Agaasimihii hore ee NISA oo bogaadiyay ciidamada Soomaaliya ee la geeyay Raaskambooni.

0
28

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida Somaliya (NISA), Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa taageeray go’aankii Dowladda Federalka Somaliya ay ku go’aamisay in Ciidamada la geeyo Deegaanka Raaskambooni ee Gobolka Jubbada Hoose, si ay u sugaan ammaanka xuduudka uu dalkaasi la wadaago Kenya.

Qoraal uu soo dhigay X (Twitter-ka hore) Fahad Yaasiin ayaa ugu hambalyeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed dadaalka ay ugu jiraan ilaalinta xuduudaha dalka, waxa uuna Kenya kula dar daarmay in ay si toos ah ula xiriirto Soomaaliya arrimaha iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo gutay waajibaadkooda Qaran ee ah ilaalinta xuduudaha dalka iyo la wareegidda amniga xuduudaha labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya,” ayuu qoray Yaasiin.

Ciidamada la geeyay Raaskambooni maalintii Isniinta ayaa ka dhigan tallaabo muhiim ah oo laga qaaday howlgalka ciidamada Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo u diyaar garowga ay kula wareegayaan mas’uuliyadaha amniga ee ay hadda maamulaan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Gaashaanle Dhexe Xasan Ciraaqi Taliyaha Guutada 18-aad ee Ciidanka XDS ee sida gaarka ah u tababaran ayaa sheegay in howlgalka uu yahay mid lagu xaqiijinayo goobaha ay banneeyeen ATMIS, gaar ahaan kuwa ay horay u maamulayeen ciidamada Kenya.

“Ciidanka waxaa loo xilsaaray inay la wareegaan dhammaan goobaha ay banneeyeen ATMIS-ta, mas’uuliyad ayaa naga saaran sugidda amniga guud ahaan dalka, waana inaan Al-shabaab ka saarno,” ayuu yiri taliyaha oo la hadlay warbaahinta dowladda.

Hawlgalka ciidamada ayaa la socda istaraatiijiyada qaranka Soomaaliya ee loogu guurayo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaasoo bedeli doona ATMIS laga bilaabo Janaayo 1, 2025.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here