Dowladda Federaalka oo diiday in Axmed Madoobe uu mar kale noqdo Madaxweynaha Jubbaland.

0
23

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si adag u diiday in Axmed Maxamed Islaam Madoobe uu mar saddexaad u tartamo xilka Madaxweynaha Jubbaland, iyadoo ku tilmaantay in hannaankaas uu yahay mid aan waafaqsaneyn dastuurka dalka, isla markaana ay ku eedeeyeen in uu ku xadgudbay heshiisyadii doorashada.

Shirkii Golaha Wasiirada ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, ayaa Madaxda Dowladda waxa ay su’aalo ku weydiiyeen sharci ahaanshaha habraaca Baarlamaanka ee sababay in Madoobe uu mar kale ku soo baxo doorashada. Golaha Wasiirada Dowladda Federaalka oo soo xiganaya qodobka 70-aad ee Dastuurka Jubbaland oo dhigaya in Madaxweyneyaasha ay yihiin labo xilli ayaa waxa ay sheegeen in Madoobe uusan u banaaneyn in mar kale la doorto.

Dawladdu waxay kaloo dhaliishay qaabka loo soo xulayo xubnaha baarlamaanka iyo hoggaanka Jubbaland, iyadoo ku tilmaantay hannaankan mid aan waafaqsanayn shuruucda guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo heshiisyadii siyaasadeed ee horay loo galay.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku eedeeyay Madoobe inuu damac shaqsi ah ka hormariyay midnimada Soomaaliya, isagoo hoosta ka xariiqay in doorashadii ka dhacday Kismaayo ay jabisay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee May 2023 lagu gaaray Muqdisho. Heshiiskan oo ay saxiixeen madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo ay ku jirto Jubbaland ayaa faraya in loo gudbo nidaamka doorasho ee “hal qof iyo hal cod”.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliya, ayaa lagu amray in Axmed Madoobe laga qaado tallaabo sharciga waafaqsan, maadaama uu ku xad-gudbay xeerar doorasho iyo heshiisyo siyaasadeed.

Madoobe ayaa shalay oo isniin ah ku guuleystay doorashadiisa saddexaad, isagoo 55 cod ka helay xildhibaannada Jubbaland, halka murashaxii ugu dhawaa ee Faysal Maxamed Mataan uu helay 16 cod. Musharaxa sadexaad ee Abubakar Cabdi Xasan ayaa helay afar cod oo kaliya.

Khilaafkan ayaa sii kordhinaya xiriirka dowladda federaalka iyo Jubbaland oo markii horeba xumaaday, iyadoo Soomaaliya ay wajahayso caqabado isa soo taraya oo ku aaddan in la heshiiyo khilaafka siyaasadeed ee gudaha ka jira, iyadoo lala dagaalamayo khataraha dhanka ammaanka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here