In ka badan 80 ka tirsan ciidamada Jubbaland oo ku biiray ciidamada federaalka ee ku sugan Raaskambooni si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab.

0
27

In ka badan 80 askari oo ka tirsan ciidamada maamul goboleedka Jubbaland ayaa ku biiray ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda magaalada Raaskaambooni ee gobolka Jubbada Hoose, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in ciidamada federaalka ee gaaray Raaskaambooni labadii maalmood ee la soo dhaafay ay sugi doonaan ammaanka goobaha ay baneeyeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo ay sii wadayaan dadaallada lagu burburinayo Al-Shabaab ee gobolka.

Gaashaanle Dhexe Xasan Ciraaqi Taliyaha Guutada 18-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay isku dhafka Ciidamada Jubbaland, waxaana uu kula dar daarmay in ay si buuxda u gutaan waajibaadkooda.

“Ka qaybqaadashadoodu waxay xoojinaysaa dadaalladayada ku aaddan sugidda ammaanka iyo ka xoreynta dalka Al-shabaab,” ayuu yiri Ciraaqi.

Ku-dhawaad ​​1,000-askari oo ka tirsan ciidamada federaalka Somalia ayaa la geynayaa Raaskanbooni, waxayna muujineysaa inay sii xoogeysanayaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee Somalia ka socda. Dowladda Federaalka ayaa hoosta ka xariiqday in tallaabadan ay qeyb ka tahay diyaar garowga ballaaran ee mas’uuliyadda amniga looga wareejinayo ATMIS-ka laguna wareejinayo ciidamada Soomaaliya, iyadoo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) lagu wado inuu beddelo ATMIS 1-da Janaayo, 2025-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here