Soomaaliya oo dhistay guddi doorasho oo cusub si loo xoojiyo dimuqraadiyadda.

0
23

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa kulan deg deg ah oo xalay saqdii dhexe yeeshay ku ansixiyay dhismaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha, kaas oo ujeedadiisu tahay in sare loo qaado hufnaanta doorashada dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo hormuud ka ahaa hindisahan ayaa ku tilmaamay dhismaha guddigan mid laf dhabar u ah hannaanka doorasho ee hufan. Hay’addan ayaa maamuli doonta doorashooyin heer kasta oo dowladeed ah, waxayna riixi doontaa habab codbixineed oo lagu kalsoonaan karo oo hufan, iyadoo la waafajinayo hamiga Soomaaliya ee ah hirgelinta doorasho hal qof iyo cod ah.

Isaga oo kulanka ka hadlaya, Barre waxa uu ku celiyay sida ay dawladdu uga go’an tahay mabaadi’da dimoqraadiyadda. Komishanku waxa uu ka kooban yahay 18 xubnood oo mid walba lagu soo xulay khibradiisa iyo sida ay uga go’an tahay maamul dimuqraadi ah.

– Cabdikariim Axmed Xasan
– Saadiq Abshir Garaad
– Maxamed Cabdiraxmaan Aadan
– Yuusuf C/qaadir Maxamed-Baafo
– Cumar Abuukar Cumar
– Farxiyo Maxamed Yuusuf
– Dr. Cumar Jaamac Maxamed
– Faarax Cabdi Xasan
– Sahra Diiriye Muuse
– Cabdullaahi Salaad Yarow
– Maxamed Amiin Xasan Cabdullaahi
– Cabdi Cadow Maxamed
– Cabdishakuur Abiib Xayir
– Khaalid Ibraahim Ismaaciil
– Aamina Sh. Cismaan Maxamed
– Naasir Maxamed Shire
– Cabdiraxiim Cabdillaahi Shaafi
– Maxamed Cumar Ismaaciil

Sameynta guddigan ayaa loo arkaa tallaabo muhim ah oo ka mid ah dadaallada socda ee Soomaaliya ay ku adkeyneyso geeddi-socodkeeda dimoqraadiyadeed, iyadoo la rajeynayo in uu horseedo natiijooyin doorasho oo loo dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here