Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay Hoggaamiyaha Jaamacadda Carabta.

0
25

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya Danjire Ilyaas ayaa la kulmay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Aboul Gheit intii uu socday Shirka 40-aad ee Wasiirada Cadaaladda Carabta ee ka socda Magaalada Qaahira.

Ilyaas ayaa uga warbixiyey Aboul Gheit horumaradii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, isagoo dhanka kale tilmaamay in baarlamaanka uu meelmariyay sharciyo suurtagelinaya in doorasho guud la qabto iyo dhismaha guddiga doorashada.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee Jaamacadda Carabta ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan xilliyada adag, waxayna dalbatay kaalmo dheeri ah oo ku aaddan dagaalka uu qaranku kula jiro argagixisada.

Isagoo carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay dooneyso in ay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay Jaamacadda Carabta, Ilyaas waxa uu ka hadlay qorshayaasha lagu doonayo in looga faa’ideysto khibradaha Carabta si kor loogu qaado nidaamka cadaaladda Soomaaliya iyo in la dhameystiro dastuurka qabyada ah sida uu dhigayo halbeegyada caalamiga ah.

Isagoo ka jawaabaya, Aboul Gheit wuxuu bogaadiyay horumarka Soomaaliya, wuxuuna ku celceliyay sida ay Jaamacadda Carabta uga go’an tahay inay Soomaaliya ka caawiso si ay u gaarto ujeedooyinkeeda.

Intaa waxaa dheer, Ilyaas wuxuu la kulmay Wasiirka Cadaaladda Masar Adnan Fanjari iyo Wasiirka Arrimaha Baarlamaanka Maxamuud Fawzi intii uu ku guda jiray booqashadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here