Jubaland oo amaro dul dhigtay Shirkadaha Duulimaadyada taga degaanada Jubalanad.

0
23

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa ku wargelisay shirkadaha diyaaradaha ee adeega duulimaadka bixiya ee haysta ogolaanshaha wasaaradda inay la shaqeeyaan Maareeyaasha garoomada diyaaradaha ee wasaraaddu magacowday ee degaanada Jubalanad.

Wasaaradda ayaa shirkadaha maxaliga ah ee ka howlgala Soomaliya u sheegtay inaan La ogolaan doonin cid aan wasaaraddu u idman shaqada duulimaadyada Jubaland ee shirkaduhu latacaamuli karin.

Sidoo kale Wasaaradda bayaanka ay soo saartay waxay ku sheegtay in Jubaland Mareereeyaha ugu magacaaban arrimaha duulimaadyada ay si wanaagsan ula shaqeeyaan gudoomiyaasha degmooyinka iyo laamaha amniga ee howlahaan u xil saaran.

Tallaaabadaan ayaa imaanaysa iyadoo ay Dowladdda Federaalka ay dhowaanahaan ay diyaarado katagayay magaalada Muqdisho ay ciidamo ku geeynaysay degaano kamid ah Jubaland.

Jubaland ayaa ka feejigan isbalaarinta ay dowladd Federaalka ku hayso degaanadeeda waxaana jira wali khilaafka sii xoogeysanaya ee Dowladda Federaalka iyo Jubaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here