Madaxda dalalka Kenya, Somalia, Ethiopia, iyo Uganda oo qorsheynaya inay yeeshaan kulan looga hadlayo xiisadaha Geeska Afrika.

0
25

Hogaamiyayaasha dalalka Kenya, Somalia, Ethiopia, iyo Uganda ayaa qorsheynaya inay yeeshaan kulan heerkiisu sareeyo oo looga hadlayo xiisadaha ka taagan Geeska Afrika, sida uu sheegay Madaxweynaha Kenya William Ruto, xilli uu socday Shir Madaxeedka 24-aad ee Madaxda dalalka Bariga Afrika ee EAC. Gobolka oo lagu qabtay Arusha, Tanzania.

Madaxweyne Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga gobolka ee xallinta khilaafaadka iyo horumarinta nabadda Geeska Afrika, oo ah gobol inta badan ay ka jiraan amni darro iyo xasillooni darro siyaasadeed. Si kastaba ha ahaatee, ma uusan shaacin faahfaahin gaar ah oo ku saabsan waqtiga iyo goobta lagu qabanayo shirka la soo jeediyay.
“ Geeska Afrika waxa soo food saaray caqabado qalafsan oo u baahan in si wadajir ah wax looga qabto. Kulankaan waxaa looga golleeyahay in lagu kobciyo isfahanka, wax ka qabashada cabashooyinka, iyo in laga shaqeeyo sidii xal waara loogu heli lahaa,” ayuu yiri Ruto, isagoo muujiyay sida degdega ah ee iskaashiga gobolka.

Ku dhawaaqistan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo ay jiraan colaado iyo xiisado ka socda Geeska Afrika, oo ay ku jirto Soomaaliya – Itoobiya oo cirka isku sii shareeraysa xiisadaha siyaasadeed, khilaafaadka xudduudaha, qalalaasaha siyaasadeed, iyo khatarta joogtada ah ee argagixisada. Waddamada ay khusayso arrintan ayaa si gaar ah ula tacaalayay arrimahan, waxaana rajo laga qabaa in qaab mideysan uu ka soo baxo natiijooyin wanaagsan.

Kulanka la soo jeediyay ayaa la socda ajandayaasha ballaaran ee shir madaxeedka EAC, kaas oo la doonayo in lagu xoojiyo isdhexgalka gobolka iyo in wax laga qabto caqabadaha amniga iyo dhaqaalaha. Hogaamiyayaasha ka soo jeeda deegaanka ayaa lagu dhiiri galiyay in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo xaqiijin lahaa nabada iyo xasiloonida oo muhiim u ah horumarka iyo barwaaqada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here