Diyaarado Dagaal Oo Duqeeyay Saldhigyo Al-Shabaab Ku Lahaayen duleedka Degmada Balcad Khasaaraha Ka Dhashay.

0
24

Duqeymo culus ayaa lagu soo waramayaa in xalay saqdii dhexe ay diyaarado dagaal ay ka fuliyeen duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Duqeymaha ayaa la sheegay in lala beegsaday goobo la sheegay in ay ku sugnaayeen Maleeshiyada Al-Shabaab.

Duqeynta oo aheyd mid sax ah ayaa waxa ay ka dhacday inta u dhaxeysa deegaanka Xawaadley iyo degmada Balcad oo dhawaan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya. Weerarkan ayaa geystay khasaare kala duwan sida ay sheegeen ilo wareedyo ku dhow dhow.

Wararka ayaa sheegaya in duqeymahan lagu burburiyay saldhigyo dhowr ah oo Al-shabaab ay ku lahaayeen iyo xarumo kale oo muhiim ah, waxaana la sheegay in khasaare xooggan uu geystay. Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn tirada rasmiga ah, ayaa haddana waxaa la xaqiijiyay dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray maleeshiyada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin howlgalka la beegsaday iyo khasaaraha ka dhashay.

Deegaanka Xawaadley oo ay horay uga baxeen ciidamada ATMIS-ka ayaa maalmihii lasoo dhaafay la kulmayay cadaadis xoogan oo kaga imaanayay dhanka Al-Shabaab sida ay sheegayaan wararka, iyadoo maleeshiyaadkaasi ay weeraro isdaba joog ah ku qaadeen fariisimaha ciidamada dowladda. Deegaanka ayaa weli kacsan, waxaana la soo sheegayaa in dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda laga dareemayo nawaaxiga degmada Balcad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here