Madaxweynaha Eritrea oo ka hadlay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee ay dhawaan wada gaareen Eritrea Soomaaliya iyo Masar.

0
23

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa meesha ka saaray eedeymaha ah in heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee ay dhawaan wada gaareen Eritrea, Soomaaliya iyo Masar uu ka dhigay “ dhidib” ka dhan ah Itoobiya, isagoo ku tilmaamay sheegashadaas dacaayad aan sal iyo raad lahayn oo loo qorsheeyay in lagu huriyo kalsooni darro gobolka.

Wareysi uu siiyey telefishinka qaranka, Isaias waxa uu ku nuuxnuuxsaday in heshiiska saddex geesoodka ah ee lagu saxiixay Asmara, uu diiradda saarayo horumarinta xasilloonida Geeska Afrika, webiga Niil, iyo Badda Cas. “Eritrea wax dan ah uma hayso inay aragto Itoobiya oo xasillooni darro ka jirta,” ayuu yidhi, isagoo hoosta ka xarriiqay sida ay ummaddiisu uga go’an tahay horumarinta iskaashiga mid ka mid ah gobollada adduunka ugu xasilloon.

Eedayntan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda u dhaxaysa Itoobiya iyo dalalka deriska la ah, ka dib heshiiskii is-faham ee Addis Ababa ay la gashay Somaliland. Heshiiskan oo looga dan lahaa in lagu xaqiijiyo marinka badda cas, ayaa sii xumeeyay khilaafka Itoobiya kala dhaxeeya Masar ee ku saabsan kheyraadka webiga Niil, wuxuuna carrabka aamusan yahay ka keenay Eritrea.

Isaias waxa uu dhaleeceeyay waxa uu ku tilmaamay “ololeyaal war-wareejin ah oo ay shisheeyuhu taageeraan” oo lagu faafiyay baraha dhaqameed iyo warbaahinta bulshada, isaga oo ka digay in sheekooyinka noocaas ahi ay halis sii hurinayaan colaadaha gobolka.

Madaxweyne Isaias waxa kale oo uu ujeeddada ka lahaa qaab-dhismeedka siyaasadda Itoobiya, isaga oo ku tilmaamay dastuurkii dalka ee 1994-kii mid “qallafsan oo asaasi ah” iyo il muhiim ah oo xasillooni darro ah. Wuxuu ku dooday in colaadaha gudaha ee Itoobiya ee aan xal loo helin, oo ay ku jiraan dagaalkii Tigray iyo qalalaasihii dhawaan ka dhacay gobolka Axmaarada, ay caqabad ku noqdeen inay si wanaagsan uga qayb qaataan nabadda gobolka.

Madaxweynaha ayaa isku xirka xadka daba dheeraatay ee Itoobiya kala dhaxeeya Eritrea iyo faragelin dibadeed balse waxa uu ka gaabsaday inuu magacaabo jilayaal gaar ah. Wuxuu tilmaamay weeraradii gantaalada ahaa ee kooxda TPLF ay ku qaaday Eritrea xiligii ay socdeen colaada Tigreega taas oo cadeyn u ah in xoogag xasilooni daro ah ay ku jiraan.
In kasta oo waraysiga intiisa badan diiradda lagu saarayay Itoobiya, haddana Isaias waxa uu ku celiyay sida ay Ereteriya uga go’an tahay in ay xasilooni ka abuurto Suudaan. “Xallinta colaadda Suudaan ugu dambeyntii waxay ku xiran tahay dadkeeda, laakiin xiriirka taariikheed ee naga dhexeeya ayaa nagu qasbaya inaan taageerno dadaallada nabadda,” ayuu yiri.

Isaias waxa uu sidoo kale ka tarjumayay beddelka dhaqdhaqaaqa awoodda caalamiga ah, isagoo dhaleeceynaya siyaasadaha Mareykanka isagoo su’aal ka keenay suurtagalnimada isbeddel macno leh oo hoos yimaada madaxweynaha la doortay ee Donald Trump. “Muddo sodon sano ah, saameynta Mareykanka waa ay sii yaraaneysay, waxayna wajaheysaa caqabado isa soo taraya oo ka imaanaya quwadaha kor u kacaya sida Shiinaha iyo Ruushka,” ayuu xusay.

Inkasta oo uu xumaaday xidhiidhka Washington, Isaias waxa uu ku baaqay wada shaqayn wax ku ool ah, isaga oo ku booriyay Ereteriya in ay isu diyaariso iskaashiyo horumarinaya danaha labada dhinac. “Waa in aan diirada saarno shaqo wax soo saar leh oo kobcisa kalsoonida iyo iskaashiga,” ayuu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here