xiisad dagaal oo ka taagan magaalada Ceerigaabo.

0
25

Xaalad kacsanaan ah ayaa waxa ay weli ka taagan tahay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, halkaasi oo ay ka jirto xiisad u dhexeyso Somaliland iyo dadka deegaanka.

Xiisaddan ayaa waxa ay si gaar ah uga dhexeysaa jabhad hubeysan oo deegaanka ka aasa-asantay iyo ciidamada Somaliland.

Jabhadani ayaa taageero waxa ay ka heleysaa qaar kamid ah dadka deegaanka oo maalmihii lasoo dhaafay caburin kala kulmayay maamulka Somaliland.

Magaalada ayaa u qeybsan laba dhinac oo ay kala daganyihiin laba beelood, beel kamid ah ayaa doonaysa in halkaasi ay ka aas-aasto maamul goboleed ka barbar dhisan Somaliland, laakiin Somaliland arrintaasi waxa ay kaga hortageysaa si adag.

Waxaa la mamnuucay dhammaan shirarka siyaasada iyada oo bandow lagu soo rogay qeybo kamid ah magaalada.

Xaaladda ayaa noqotay mid ka sii dartay kadib markii maleeshiyaad hubeysan oo taageero ka helaya dadka deegaanka ay ka horyimaadeen amarada Somaliland.

Xaaladda ayaa aad u adag mar welibana waxaa dhici karta in dhinacyadu ay dagaalamaan, mana jirto wax waan waan ah oo laga dhex wado labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here