Dagaal Culus Oo U Dhaxeeya Somaliland Iyo Ciidamada SSC-Khaatumo oo ka dhacay Ceerigaabo.

0
22

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo xalay ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ku dhexmaray magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Ilo deegaanka ah ayaa ku waramaya in iska horimaadku uu ka qarxay bartamaha magaalada. Si kastaba ha ahaatee, wali ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay iska horimaadkaasi, maadaama uu shilku dhacay xilli habeen ah.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan iska hor imaadka ka dhacay magaalada Ceerigaabo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in saaka xiisad dagaal ay ka taagan tahay magaalada. Ciidamo hubeysan iyo gaadiid dagaal ayaa lagu soo waramayaa in lagu soo daadiyay deegaankaasi, taasi oo cabsi iyo qalqal ku abuurtay dadka deegaanka.

Maalmihii u dambeeyay ayaa lagu soo warramayaa in gobolka uu ku sii siqayaay, waxaana ka dhacayay bannaanbax dadweyne oo ay uga soo horjeedaan dilal isdaba joog ah oo ka dhacayay degmadaasi. Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ku eedeeyay ciidamada Somaliland inay ka dambeeyaan shaqaaqadaasi.

Dhanka kale, Somaliland ayaan weli ka jawaabin eedeymahaas iyo wax ka qabashada xiisadaha gobolka ka taagan.

Dagaalladan ayaa ku soo beegmaya iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay ay isbedello siyaasadeed ka socdeen Somaliland, kadib doorashadii Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro. Si kastaba ha ahaatee, colaadaha soo cusboonaaday ayaa muujinaya in aan xal laga gaadhin xiisada u dhaxaysa Somaliland iyo SSC-Khaatumo, isla markaana ay cirka isku sii shareerayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here