Dhuusomareeb waxaa ka furmaya wada hadalo nabadeed oo lagu xalinayo dagaal beeleedyada Galmudug.

0
23

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa in uu ka furmo shir xasaasi ah oo looga hadlayo xal u helida dagaal beeleedyada ka jira deegaanada maamulkaasi Hindisahan ayaa lagu doonayaa in laga hortago dhiig kale oo daata iyo in dib u heshiisiin laga dhex sameeyo beelaha dirirtu dhexmartay.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay warbaahinta in Hoggaanka Galmudug uu ku casuumay Odayaasha Dhaqanka Siyaasiyiinta, iyo Wakiilo ka kala socda qeybaha kala duwan ee beelihii dirirtu dhexmartay, si ay uga qeyb galaan waan waan nabadeed. Shirkan ayaa ujeedadiisu tahay sidii loo xalin lahaa waxyaabaha keenay khilaafyada iyo in la jeexo tubta loo maro nabad waarta.

Qaban-qaabada wada-hadalladan ayaa waxaa si weyn uga qayb-qaata Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ku-xigeenkiisa, xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale. Wararku waxa ay sheegayaan in uu socdo diyaar garow loogu jiro sidii uu u qabsoomi lahaa kulankaasi.

Odayaasha Dhaqanka oo loo arko inay hormuud ka yihiin xalinta colaadaha, ayaa loogu baaqay inay isugu yimaadaan Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud. Ku lug lahaanshahooda ayaa loo arkaa mid lama huraan u ah sidii xal nabadeed loogu heli lahaa khilaafyada ka taagan deegaanada kala duwan ee Galmudug.

Dagaalladan oo ay ugu horreyso muranno ka dhashay dhulalka iyo ceelasha biyaha ayaa sababay gacan ka hadal iyo khasaare nafeed oo soo kala dhex gala bulshada ku dhaqan gobolka. Maamulka Galmudug ayaa wada dadaalo lagu doonayo in lagu dhex dhexaadiyo beelaha walaalaha ah, si loo dhameeyo dagaalka, loogana hortago dagaal dambe.

Dowladda Galmudug ayaa mar kale sheegtay inay ka go’an tahay nabadeynta, iyadoo ku nuux-nuuxsatay in loo baahan yahay wada-hadal iyo wada-shaqeyn. Waxaa hadda socda dadaallo lagu doonayo in dhammaan dhinacyada miiska wada-hadalka la isugu keeno, isla markaana xal buuxa laga gaaro colaadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here