Jubbaland oo soo bandhigtay ciidamo cusub oo Tababar loosoo xiray

0
22

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa xilligan wajahaya cadaadis dhinacyo badan leh oo uga imaanaya dowladda Federaalka Soomaaliya, cadaadiskan ayaana ah mid lagu doonayo in talada looga tuuro.

Sidoo kale, Axmed Madoobe, ayaa u muuqda mid u diyaar garoobaya dhinac kasta si uu xukunkiisa u difaacdo, waxa uuna hadda diyaarsaday ciidamo kala duwan uu doonayo in uu uga hortago duullaan uu ka cabsi qabo in dhinaca dowladda Federaalka uga yimaado.

Dhanka kale, Xerada tababarka Luglow ee magaalada Kismaayo waxaa shalay tababar loogu soo xiray ciidamo cusub oo kamid noqonaya kuwa Daraawiishta Jubbaland, ciidankan ayaana si deg deg ah loo diyaariyay looguna soo gabagabeeyay tababarka.

Taliyaha ciidanka daraawiishta Jubbaland Gen. Ismaaciil Saxardiid, ayaa sheegay in ciidankan cusub ee tababarka loo soo xiray qalabkooda u dhan yahay, waxa uuna xusay in ciidankan diyaar u yihiin in Jubbaland ka difaacaan cadawga soo damaaciya.

Sikastaba, Ciidamadan cusub ee Jubbaland soo bandhigtay ayaa loo qeybiyay hubka nuucyadooda kala duwan ay ku howlgalayaan, waxaana diyaarinta ciidankan imaaneysaa xilli laga cabi qabo in dagaal dhax maro ciidanka dowladda Federaalka geysay deegaanka Raaskanbooni iyo kuwa Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here