Sarkaal ka tirsan DCI-da Mandheera oo la dilay Weerar looga shakisan yahay Al-shabaab.

0
23

Sarkaal ka tirsan Hay’adda Dembi Baarista (DCI) ayaa subaxnimadii Isniinta si naxdin leh loogu toogtay deegaanka Lafey oo ka tirsan degmada Mandera, kadib weerar loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab. Dhacdadan oo sii xoojisay xiisadda deegaanka, ayaa waxay ka dhacday meel u dhow xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, oo ah gobol ay inta badan beegsato kooxda xagjirka ah.

Sida ay sheegayaan wararka, dabley hubeysan oo aan tiradooda la garaneyn ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday askariga oo watay gaari afar lugood ah oo ay leeyihiin ciidamada DCI-da. Weerarka kadib, raggii dilka geystay ayaa tuuray meydka sarkaalka, waxayna la baxsadeen gaariga.

Qof ka mid ahaa rakaabkii gaariga la socday xilliga uu weerarka dhacayay ayaa la sheegay in dableyda ay afduubteen. Maamulka ayaa ku howlan sidii ay u xaqiijin lahaayeen heybta iyo xaalada shaqsiga la afduubtay iyadoo ay sii xoogeysanayaan dadaalada lagu baadi goobayo kooxihii falkaasi geystay.

Meydka askariga ayaa markii dambe la soo saaray waxaana loo qaaday goobta meydadka lagu keydiyo ee deegaanka iyadoo boolisku ay bilaabeen howlgal ballaaran oo ay ku soo furteen gaariga la xaday ayna ku soo heleen kooxihii dilka geystay.

Kooxihii weerarka geystay ayaa la rumeysan yahay inay u soo gudbeen Soomaaliya dhacdadaas ka dib, iyagoo ka faa’ideysanaya xuduudka daldaloolka ah oo muddo dheer caqabad ku ahaa ammaanka. Weerarkan ugu dambeeyay ayaa waxa uu hoosta ka xariiqayaa khatarta joogtada ah ee Al-Shabaab ay ka geysanayaan gobolka, inkastoo ay socdaan howlgalo dhowr ah oo amniga lagu sugayo oo lagu doonayo in maleeshiyaadka looga sifeeyo deegaanka.
Gobolka Mandheera-Lafey ayaa waxaa ka socday howlgalo dhowr ah oo amniga lagu sugayo, kaasi oo lagu doonayay in lagula dagaalamo argagixisada, loogana hortago duulaanka dhanka xuduuda ah ee Al-Shabaab. Maamulka ayaa ku andacoonaya in dadaalladan ay horseedeen hoos u dhac weyn oo ku yimid shilalka argagixisanimada la xiriira, in kasta oo weerarrada teel teel ah sida Isniintii ay muujinayaan baahida loo qabo feejignaan joogto ah.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan madaxweyne William Ruto uu booqasho ku tagayo degmada Wajeer ee dariska la ah Soomaaliya, halkaasi oo uu kula kulmi doono xoolo dhaqato. Amaanka deegaanka ayaa aad loo adkeeyay si loo sugo amaanka ka soo qeyb galayaasha iyo in wax laga qabto dhibaatooyinka amni daro ee ka taagan gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here