Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland oo ka dhacay Jubbada Hoose.

0
18

Wararka ka imaanaya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in saaka uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland. Iska horimaadka ayaa lagu soo waramayaa inuu ka socdo agagaarka deegaanka Raaskambooni oo ah deegaan istiraatiiji ah oo ka tirsan gobolkaasi.

Iska hor imaadka ayaa la sheegay in uu ahaa mid ay ciidamada Jubbaland ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Manaraani oo qiyaastii 30-KM u jira Raaskambooni. Deegaankan ayaa saldhig muhiim ah u ahaa ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo dhawaanahan la geeyay gobolkaasi.
Ilo deegaanka ah ayaa ku soo warramaya in dagaal xooggan uu socdo, iyadoo labada dhinac uu dagaal toos ah dhexmarayo, kaddib toddobaadyo ay ciidan isku uruursanayeen deegaankaas.

Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya in labada dhinac uu soo kala gaaray khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray gaadiid dagaal. Ilaa hadda ma cadda khasaaraha dhabta ah maadaama xaaladdu ay wali socoto.

Jawigu weli wuu kacsan yahay iyadoo labada dhinacba ay helayaan gurmadyo, taasoo laga yaabo inay sii kordhiso colaadda.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac ee ku aadan iska horimaadkaasi.

Dagaalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddo 15 cisho ah uu soo saaray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, kaasoo uu kaga dalbaday in Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Raaskambooni ay isaga baxaan. Wuxuu ka digay in dowladda Federaalka ay qaadi doonto mas’uuliyad buuxda, haddii ay ciidamada ku bixi waayaan mudada loo qabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here