Jubbaland oo beenisay eedeymaha dowladda federaalka ee ku aadan in Al-Shabaab ay iska kaashadeen dagaaladii Raaskambooni.

0
25

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa si kulul u beeniyay eedeynta dowladda Federaalka ee ku aadan in ay gacan saar la leedahay Xarakada Al-shabaab oo dhawaan dagaal ku dhexmaray deegaanka Raaskambooni. Qabsashada magaalada xudduudda ee lagu muransan yahay ee ciidamada Jubaland ayaa banaanka soo dhigtay xiriirka aan wanaagsaneyn ee ka dhaxeeya dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

Saraakiisha Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in ay la wareegeen deegaanka Raaskambooni oo ah deegaan istaraatiiji ah oo ku dhow xuduudka Kenya, kadib dagaalo xoogan oo ay la galeen ciidamada dowladda Soomaaliya. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Aadan Axmed Xaaji, ayaa ku gacan seyray eedeymaha loo soo jeediyay ee ah in lala shaqeeyo Al-Shabaab, wuxuuna ku tilmaamay mid been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.

“Baabuurteenu waxay soo mareen jidka xeebta ah, waxaana difaacnay fariisimaha aan ku leenahay Buur-gaabo, Dowladda Federaalka ayaa weerarka ku soo qaaday diyaarado aan duuliye lahayn, waxaan haynaa caddeymo muujinaya in ay noo soo duuleen,” ayuu yiri Xaaji oo saxaafadda la hadlay.

Xaaji ayaa ku eedeeyay magaalada Muqdisho in ay hurineyso colaada, isagoo su’aal galiyay in ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya la geeyay goob aysan joogin ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

“Haddii aysan dowladdu duullaan gardaro ah soo qaadin, maxaa diyaarado badan ugu diray deegaanka, ma jiraan ciidamo ATMIS ah oo fariisin ku leh Raaskambooni, maxay ahayd ujeeddada ay ciidamadooda u daabuleen? ayuu ku daray.

Dowlad goboleedka Jubaland ayaa cambaareysay ciidamada XDS oo la soo dhoobay dhulkeeda.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa ku eedeeyay Ciidamada Maamulka Jubbaland inay la shaqeeyaan Ururka Al Shabaab, isla-markaana ay dhulkooda ka daabulaan gaadiid dagaal oo 270-KM u jira Magaalada Kismaayo, kuna sii jeeday Raaskambooni.

“Waxaa jira cadeymo cad oo muujinaya in Al-shabaab ay door wax ku ool ah ku lahayd weerarkii lagu qaaday ciidamada dowladda, tani waxay muujineysaa xiriirka dhow ee ka dhexeeya Axmed Madoobe iyo Al-shabaab,” ayuu yiri Al-Cadaala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here