Maraykanka iyo UAE oo soo dhaweeyey Baaqa Ankara oo ah Hal-abuur u ah Xasiloonida Geeska Afrika.

0
19

Dowladaha Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta ayaa bogaadiyay baaqii Ankara ee uu Turkiga garwadeen ka ahaa ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu dhimayo xiisadaha iyo xasiloonida Geeska Afrika.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyay in Washington ay xushmeyso madax banaanida iyo wadajirka dhuleed ee labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya, iyadoo ku nuuxnuuxsatay taageerada ay siiso iskaashiga ku wajahan amniga iyo barwaaqada labada dhinac. “Waan taageersanahay wada shaqaynta socota, waxaana uga mahadcelinaynaa Turkiga fududaynta,” ayuu yiri afhayeenka Waaxda.

Imaaraatka Carabta (UAE) ayaa dareen la mid ah ka dhawaajiyey, iyagoo ku ammaanay heshiiska inuu yahay “tallaabo wanaagsan oo muhiim ah” oo xoojin doonta wada-hadallada iyo iskaashiga gobolka. Qoraal ay la wadaagtay Afra Al Hameli, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta, ayaa waxay Imaaraadka ku muujisay xiriirka xooggan ee kala dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay xaqiijisay in Imaaraadka Carabta uu xiriir dhow oo kala duwan la leeyahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya,” ayaa lagu yiri qoraalka. Imaaraadka ayaa sidoo kale muujiyay sida ay uga go’an tahay taageeridda hindisayaasha lagu horumarinayo nabadda, xasilloonida, iyo horumarka Geeska Afrika.

Baaqa Ankara ayaa imaanaya iyadoo ay sii xoogeysaneyso xiisada juquraafi siyaasadeed iyo khilaafyo soo jireen ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, oo ay ku jiraan arrimo la xiriira amniga xuduudaha iyo faragelin la sheegay. Turkiga ayaa door muhiim ah ka qaatay kobcinta jawi wax ku ool ah oo lagu xalliyo khilaafaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here