Xisbiga Waddani oo balan qaaday in uu mudnaan siin doono dib u heshiisiinta hogaanka cusub ee Somaliland.

0
19

Xisbiga Waddani oo dhawaan la wareegay hoggaanka Somaliland (Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya), ayaa ballan qaaday inuu xoogga saari doono dadaallada dib u heshiisiinta labada boqol ee maalmood ee ugu horreeya ee uu xilka hayo sida ay wararku sheegayaan.

Maxamed Faarax Cabdi, Afhayeenka Xisbiga Talada dalka haya ee Waddani, ayaa sheegay in dib-u-heshiisiinta qaranku ay tahay tiirka lagu daweynayo dhaawacyadii ka dhashay colaadihii hore.

“Dib-u-heshiisiintu waa xalka kama dambaysta ah ee wax looga qabanayo caqabadaha horteenna,” ayuu yiri mar uu shir-jaraa’id qabtay.

Waxa kale oo uu ku nuux-nuux saday in maamulka Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu ka shaqayn doono sidii muwaadiniinta oo dhan uga faa’iidaysan lahaayeen, iyadoon loo eegayn siyaasaddooda, isla markaana uu ka soo saari doono natiijooyin la taaban karo oo shacabka ku qanci doona muddada uu xilka hayo.

“Ummadi markay nabad helaan waxay gaadhaan horumar. Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu ku foogan yahay dib-u-heshiisiinta, muddo yar gudaheedna waxa aad ka markhaati kacaysaan saamaynta uu dedaalkiisu leeyahay,” ayuu yidhi Maxamed Faarax Cabdi.

Maamulka xilka ka degaya ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi, ayaa labadii sano ee u dambeeyey talada dalka la kulmay caqabado waaweyn oo ay ka mid yihiin colaado dhuleed oo sii kordhiyey xiisado colaadeed, isla markaana horseeday in lagaga adkaado doorashadii November 2024-ka.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Waddani waxay ballan-qaadday inay dib u soo celinayso wada-noolaanshaha, isla markaana ay seeska u dhigi doonto horumar waara oo ay ka go’an tahay nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here