Somaliland oo dib u qiimayn ku samaynaysa is-afgaradka Itoobiya kadib heshiiskii Ankara.

0
21

Somaliland ayaa shaacisay inay qorshaynayso inay dib u qiimeyso heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la gashay Itoobiya, ka dib heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya ee dhawaan Turkigu dhexdhexaadinayey, kaas oo lagu soo afjaray khilaaf dublamaasiyadeed oo muddo sannad ah ka taagnaa heshiiskii Is-afgaradka.

Maxamed Faarax Cabdi, oo ah afhayeenka xisbiga talada haya ee Waddani, ayaa BBC Somali u sheegay Jimcihii in heshiiskii Ankara ee Turkigu dhexdhexaadinayey ee la saxeexay December 11, 2024 aanu si toos ah u saamaynayn Somaliland.

“Heshiiska Ankara waxba nagama quseeyo, waxa kala saxeexday laba dal oo jaar ah, waxaanu nahay Somaliland,” ayuu yidhi Cabdi.

Afhayeenku waxa uu daboolka ka qaaday in dawladda Somaliland aanay weli dib u eegis ku samayn heshiiskii is-afgaradka ahaa ee la saxeexday 2024-kii, isla markaana ay soo jeedisay in dhul xeebeedka Itoobiya laga kireeyo saldhig ciidan oo badda ah si ay u aqoonsato madax-bannaanida Somaliland. Soomaaliya ayaa si weyn uga soo horjeesatay heshiiskaas oo ay ku tilmaantay mid xad-gudub ku ah qaranimadeeda.
“Dawladda cusub waxay daraaseyn doontaa heshiiska is-afgaradka ah, haddii ay la jaan-qaaddo danaha Somaliland way soconaysaa, haddii kale waa la iska ilaalinayaa,” ayuu yidhi Cabdi.

Xukuumadda cusub ee uu hoggaamiyo Madaxweyne C/raxmaan Maxamed C/llaahi Cirro, ayaa ballan-qaaday inay dib u eegis ku samaynayso dhammaan heshiisyada waaweyn ee la galay, si loo xaqiijiyo inay ka shaqeeyaan danaha fog ee Somaliland.

Heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya oo uu fududeeyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa dib u xaqiijiyay in labada dal ay ka go’an tahay madax banaanida, midnimada dhuleed iyo shuruucda caalamiga ah. Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa heshiis is-afgarad ah ku kala saxiixday Addis Ababa January 1, 2024.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here