Jubaland oo soo bandhigtay ruux la sheegay inuu bam gacmeed ku weeraray isbitaalka Kismaayo.

0
54

Sirdoonka Jubaland ayaa kusoo bandhigay magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee Jubaland shaqsi ay ku eedeeyeen inuu ka tirsan yahay Al shabaab oo lagu magacaabo Cali Shidaad Ayuub oo Bambo Gacmeed Ku tuuray Isbitaalka Weyn Ee Magaalada Kismaayo.

Ninkaan ay soo bandhigeen sirdoonka Jubaland ayaa waxa uu Al shabaab la shaqeenayay muddo 7 sano ah sida uu afkiisa ka qirtay waxaana sanadkii 2018kii uu isku dhiibay Maamulka Jubaland waxaana lagu xareeyay xeryaha dhaqan celinta dagaalamayasha kasoo goosta Al shabaab.

Mar kale ayay sirdoonka Jubaland 2019kii ninkaan ay u xireen dhacdo noocani oo kale ah weerar Bam gacmeed oo ka dhacay Magaalada Kismaayo, sanad iyo bilooyin uu xirnaa kadib waala siidaayay.

Ninkaan ayaa sidoo kale sheegay inuu shaqada goomiistaha ku shaqeeysanayay dhowaanahaanba balse ay soo waceen rag ka tirsan Al shabaab si uu u weeraro xarunta Degmada Kismaayo, 3 jeer uu ka dansaday taleefoonka ayuu shaaca ka qaaday in markii dambe dil ay ugu hanjabeen hadii uusan fulinin sida ay wax u rabaan.

Cali Shidaad ayaa xusay in markii dambe ku qasbanaaday inuu weerarka Bambaano ku qaaday isbitaalka Kismaayo oo xilligaasi lagu dabiibayay askar ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee kusoo dhaawacmay weerarkii Jubaland ay kuqaaday degaanka Raas-Kambooni oo fariisin u ahayd ciidamo kumanaan ah oo kuwa dowladda ah oo todobaadyadi laasoo dhaafay lageeyay Raas-Kambooni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here