Soomaaliya iyo Tanzaaniya oo xoojiyay xiriirka difaaca iyaga iyo wafdi Milatari oo heerkiisu sareeyo uu soo gaaray muqdisho.

0
20

Talaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xoojinta iskaashiga dhanka difaaca, ayaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tanzania, Ilyaas Cali Xasan oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka, Madey Nuurey Sheekh, waxa ay ku soo dhaweeyeen wafdi heer sare ah oo ka socda Tanzania oo uu hoggaaminayo Sarreeye Guuto Salum Xaaji Cusmaan, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka. Ciidamada Difaaca Dadka Tansaaniya, ayaa maanta ka soo degay Garoonka Aadan Cabdulle ee Magaalada Muqdisho.

Xasan waxa uu tilmaamay in booqashadu ay muujinayso xilli muhim ah oo lagu kobcinayo iskaashiga istiraatijiyadeed ee labada waddan.

Wafdiga Tanzaaniya ayaa wadahadalo heer sare ah la yeelan doona madaxda ciidamada Soomaaliya si ay is dhaafsadaan hab-dhaqanka ugu wanagsan iyo sahaminta dariiqooyinka lagu xoojin karo iskaashiga difaaca iyo amniga.

Hogaamiyayaasha ayaa tilmaamay in hindisahani uu hoosta ka xariiqayo sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo wax ka qabashada caqabadaha labada dhinac ee gobolka. Wadahadallada ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan xeelado wax ku ool ah oo lagu horumarinayo nabadda, xasilloonida, iyo kor u qaadida awoodda waaxda difaaca.

Dowladda Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujisay natiijada ka soo baxday booqashada, taasoo muujineysa in bog cusub uu u furmay iskaashiga amniga gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here