Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Oo Ansixiyay Tallaabooyin lagula Dagaalamayo leexinta Gargaarka iyo Khiyaamada.

0
17

Golaha Wasiirada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ansixiyay siyaasad sharciyeed oo looga dan leeyahay in lagu ilaaliyo gargaarka bini’aadantinimo iyo ka hortagga leexinta iyo ku takrifalka gargaarka. Siyaasadda, oo cinwaankeedu yahay “Badbaadinta Caawinta Bini’aadantinimada”*, waxaa loo dejiyay si kor loogu qaado hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo hufnaanta gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo ee gobolka oo dhan.

Dowladda Koonfur Galbeed oo go’aankan ku shaacisay akoonkeeda rasmiga ah ee X ayaa ku nuux-nuux saday sida ay uga go’an tahay in gargaarku uu gaaro dadkii loogu talagalay iyadoo aan la faragelin ama si xun loo maamulin.

Siyaasadda la ansixiyay ayaa soo bandhigaysa dhowr tillaabo oo lagula dagaalamayo leexinta cuntada, wax isdaba marinta, iyo musuqmaasuqa dadaallada bani’aadamnimada:
1. Warbixinta Waajibka ah: Hay’adaha gargaarku waa in ay si degdeg ah u soo sheegaan wixii eedaymo ah oo ku saabsan xadgudub, musuqmaasuq, lunsi, ama dayacaad gargaarka hay’adaha garsoorka.
2. Habka Cabashada ka faa’iidaystaha: Hay’adaha gargaarka waxaa looga baahan yahay inay dejiyaan nidaamka cabashooyinka, taasoo u sahlaysa ka-faa’iideystayaasha inay sheegaan cabashooyinkooda iyaga oo aan ka baqayn caga-jugleyn ama aargoosi.
3. Dembi-dembiyeedka ku-takri-falka gargaarka: leexinta gargaarka, wax-is-daba-marinta, ka ganacsiga hantida gargaarka, iyo ku-takri-falka gargaarka loogu talagalay xaaladaha degdegga ah ayaa hadda si rasmi ah loo aqoonsaday inay yihiin dembiyo.
4. Mas’uuliyadda qaadista Alaabta la xado:
– Shaqsiyaadka si bareer ah u isticmaala gaadiidka si ay u daabulaan hantida bini’aadantinimo ee la soo xaday, ama oggolaada in baabuurtooda loo isticmaalo arrimahan, waxa ay wajihi doonaan dacwad ciqaabeed.
– Darawaliinta lagu helo iyaga oo qaadaya gargaar bini’aadantinimo oo dhacay waxa ay mutaysan doonaan xadhig iyo ganaax lacageed.
Maanta, Golaha Wasiirada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxa ay ansixiyeen siyaasadda sharci-dejinta ee ‘Badbaadinta Kaalmada Bini’aadantinimada.’ Waxaa looga golleeyahay in sare loo qaado hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo hufnaanta gargaarka bini’aadantinimo ee Dowlad-goboleedkayaga,” ayay ku dhawaaqday xukuumadda Koonfur-galbeed.

Talaabadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo maamul xumada gargaarka iyo caqabadaha ka jira sidii gargaar loo gaarsiin lahaa gobolada ay saameeyeen colaadaha iyo amni darada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here