Maxamed Amiir “Waa in aan aniga ugu dambeeyaa Duq Magaalo oo lasoo magacaabo”

0
23

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir oo ka hadlay Munaasabad uu xilka kula wareegay ayaa sheegay in uu rajeynayo inuu noqdo Duqii ugu dambeeyay ee Magacaabis ku yimaado.

Waxa uu tilmaamay in Bulshada Caasimadda ay xaq u leedahay in ay doorato dadka hoggaaminaya isla markaana iska baddeli karto ciddii aanay ku qancin u adeegistooda sida uu hadalka u dhigay Maxamed Axmed Amiir.

“Dadka Muqdisho waxa ay xaq dastuuri ah u leeyihiin in ay doortaan Dadka metalaya, waa in aan aniga ugu dambeeyaa Duq Magaalo oo lasoo magacaabo, waa in aan u diyaargarownaa Doorasho Qof iyo Cod ah, waxaa la joogaa waqtii Dadka ay hoggaamin lahaayeen isbaddelka Dalka” Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir.

Waxa uu ballanqaaday in uu xoogga saarayo horumarinta Caasimadda sida Nalaynta, Nadaafadda iyo hagaajinta waddooyinka burbursan, Madasha ayuu ka sheegay in uu dhammeystiri doonno howlihii qabyada u ahaa Yuusuf Madaale.

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho waxaa horyaalla howlo kala duwan oo ay ka sugayaan Bulshada Caasimadda oo Canshuurta ugu badan Dowladdu ay hesho bixiya kuwaas oo ka sugaya adeegyada ay u baahan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here