Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta shaaciyay in Puntland ay yeelan doonto lacag u gaar ah sanadka cusub ee 2025.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in qorshahani uu yahay mid muhiim ah oo loogu talagalay in lagu xoojiyo dhaqaalaha Puntland, maaddaama sida uu sheegay aan rajo laga qabin in la helo lacag Shilin Soomaali ah oo mideysan.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in ay socoto daraasado cusub oo ku saabsan sameynta lacagta Puntland, isagoo sheegay in lacagtaasi ay mustaqbalka si habboon ula jaan qaadi doonto nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya.
“Dowladda Puntland waxay bilowday daraasadda sameynta lacag u gaar ah, sida waddamada federaalka ah ee adduunka qaarkood. Lacagtani waxay noqon doontaa mid mustaqbalka si wanaagsan ula jaan qaadi doonta nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya marka miyirka iyo maskaxdu soo hagaagaan,” ayuu yiri Deni.
Degaanada Puntland ayaa haatan laga isticmaalaa lacagta dollarka iyo lacagaha danabaysan ee shirkadaha isgaarsiinta. Sanadkii 2021 ayay ahayd markii Puntland uu ka istaagtay shilinka Soomaaliga.
Sababa ugu weyn ee uu istaagay shilin Soomaaliga ayaa ahayd markii madaxweyne Deni uu soo saaray amar lagu joojinayo in canshuurta dekedda Bosaso lagu qaado shilin Soomaali. Go’aankaan ayaa sababay in ganacsataduna diideen shilin Soomaaliga.
Dadaalo badan oo loo galay in lasoo celiyo shilin isticmaalka Soomaaliga ayaa fashilmmay.