Qaraxaan miino ayay ciidamadu ku qabteen xaafada Farjano ee magaalada Kismaayo, kadib markii qof ka mid ah dadka ku nool xaafadaasi uu kusoo wargaliyay laamaha amaanka.
Ciidamada Nabad sugida Jubbaland ayaana ku guuleysatay iney goobga ka qaadaan miinada iyadoo aanan qarxin, waxayna uga baaqeen shacabka magaalada Kismaayo in sidaan oo kale ula soo wadaagaan xogta waxyaabaha ka dhanka ah amaanka.
“Ciidanka Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Jubbaland ayaa caawa ku guuleystey fashilinta miino nooca dhajiska ah oo ay khawaarijtu rabtey inay ku bartilmaameed-sadaan shacabka reer Kismaayo” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay maamulka Jubbaland.
Ugu dambeyntii magaalada Kismaayo ayaa aheyd mudooyinkii dambe meel ka nabdoon qaraxyada iyo weerarada kale oo ay geystaan kooxda Al-shabaab, kadib markii ciidamada amaanka magaaladaasi ay kordhiyeen howlgalada ay ku xaqiijinayaan amniga magaaladaas oo xarun ku meel gaar u ah maamulka Jubbaland.