Dowladda Itoobiya ayaa si weyn uga xumaatay eedeymo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ku sheegtay in Ciidamada Itoobiya ay ku lug lahaayeen dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada Doolow.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in eedeymahan ay u muuqdaan kuwa lagu carqaladaynayo xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya.
Sidoo kale, Itoobiya waxay sheegtay in ay dhinacyo saddexaad ay doonayaan inay khalkhal geliyaan xasilloonida Geeska Afrika.
“Dowladda Itoobiya waxay ku adkeysanaysaa in aan la oggolaan in kooxahan ay ka hor istaagaan labada dal inay ka midho dhaliyaan nabadgelyo waarta sida uu dhigayo Baaqa Ankara,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.
Dowladda Itoobiya waxay sheegtay inay diyaar u tahay inay sii wadato wada-shaqeynta hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya si looga hortago in dhacdooyinka noocan oo kale ah aysan dib u soo noqon.
“Waxaa ka go’an Itoobiya inay ilaaliso xiriirkeeda walaaltinimo ee Soomaaliya, iyada oo ku saleysan heshiiskii Ankara, si loo gaaro yididiilada nabadeed ee labada shacab,” ayay tiri Itoobiya.
Shalay ayay ahayd markii wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ay ku eedeysay ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Gedo inay weerareen ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Doolow, iyadoo sheegtay in tallaabadaas ay xadgudub ku tahay heshiis lagu gaaray Ankara.