Guddoomiyaha Degmada Dhuusamareeb Macallin Cabdiraxmaan Geedaqoroow oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Hay’adaha ammaanka ay gacanta ku dhigeen Nin ku eedeysan in uu dilay Labo Xiddigle Xasan Cabdi Maxamed (Xasan Quuri).
Geedaqorow ayaa sheegay magaca Ninka la qabtay oo ah Maxamed Faarax Xuuriye, wixii kale oo baaris ahna ay ku howlan yihiin Ciidamada ammaanka oo gacanta ku haya eedeysanaha si loo ogaado sababta keentay Dilka iyo haddii dad kale ay la socdeen.
Ehelka Marxuumka ayuu usoo jeediyay in la aaso Marxuumka oo ahaa Taliyaha howlgelinta Booliiska guud ee Dowlad-Goboleedka Galmudug, wixii xisaab ama xukun ah laga warsugo Maxkamadda loo gudbinayo sida uu hadalka u dhigay.
Ciidamada ammaanka ayuu ku bogaadiyay go’aankooda culus oo ay ku raadraaceen Eedeysanaha oo haatan ku xiran Saldhigga Booliiska Degmada Dhuusamareeb xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug.