War-saxaafadeed ka soo baxay dowlad deegaanka Soomaalida ayaa looga hadlay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Dacawalay oo u dhaxeeya degmooyinka Xarshin iyo Yoocaale.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidanka Liyuu Booliis ay ka hortageen Maleeshiyaad doonayay in ay khalkhal iyo nabad galyo darro ka abuuraan deegaanka Soomaalida.
“Dawladda Deegaanka Soomaalida oo tixgalinaysa codsi kayimid waxgaradka iyo odayaal-dhaqameedka deegaanka ayaa fursad usiisay cuqaashaas in si nabadgalyo ah xadka looga saaro dablaydaas iyo in sharciga dib loogu soo dabaalo deegaamadaas. Nasiib daro, dablay o ka dhaga adaygay soo jeedinta waxgaradka ayaa saaka weerar kusoo qaaday fadhiisimaha ciidanka Booliska Deegaanku ay ku lahaayeen agagaarka tuulada Dacawalay, waxaana ka hortagay ciidanka amaanka deegaanka” ayaa lagu yiri qoraalka.
Dhinaca kale, Qoraalka ka soo baxay Dowlad deegaanka Somalida ayaa waxaa eedeyn loogu jeediyay Somaliland.
“Waxaa nasiib darro ah in wasaaradda amniga ee Soomaliland ay si guracan oo kabaxsan daris-wanaaga iyo nidaamka dawliga ah uga faalooto arrimaha ka dhacaya gudaha Deegaanka soomaalida” ayaa lagu yiri qoraalka.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli Somaliland war saxaafadeed ay soo saartay ay ciidanka Liyuu Booliis ku eedeysay in ay xasuuq iyo afduub ka geysteen deegaanka Dacawalay.