Madaxweyne Xasan Shiikh oo la filayo inuu kulan gaar ah la yeesho dhigiisa dalka Erateraiya.

0
11

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea, ayaa la filayaa inuu kulamo kula yeesho dhigiisa dalkaasi Isais Afwerki.

Labada mas’uul ayaa lagu wadaa in ay ka wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Eritrea gaar ahaan arrimaha gobolka, iyo qiimeynta arrimaha caalamiga ah ee danaha wadaagga ah.

Sidoo kale, labada dhinacyada ayaa waxaa la filayaa in ay ka wada hadlaan fulinta heshiisyadii ay hore u gaareen ee la xiriiray horumarinta iyo sare u qaadida Ciidamada Soomaaliyeed, si ay awood ugu yeeshaan sugida Amniga guud ee dalka.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya xillli la filayo in dhawaan uu billaawdo howlgalka AUSSOM ee Midowga Afrika. Ereteriya, ayaa daneynaysa in ay kaalin ka qaadato howlgalka cusub ee sannadka 2025 la filayo inuu Soomaaliya ka billaawdo.

Ereteriya iyo Soomaaliya waxa ka dhexeeyay xiriir xooggan, gaar ahaan iskaashiga amniga iyo taageerada labada dhinac ee xasilloonida gobolka. Bishii Oktoobar, Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa shir madaxeed saddex geesood ah oo Asmara kula yeeshay Madaxweyne Afwerki iyo Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi. Shir-madaxeedka ayaa xoogga lagu saaray kor u qaadista tayada hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo xoojinta awooddeeda ciidan si ay u ilaaliso xuduudaheeda.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan heshiis ay wada gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasoo lagu xaliyay xiisadii ka taagneyd marinka badda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here