Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay Guddiga madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Doorka Ciidamada Boliiska kaga aadan qabsoomidda Doorashada Qof iyo Cod oo ka dhacda dalka.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidanka booliiska ay u diyaarsan yihiin sugidda amniga Doorashada qof iyo codka ah, gaar ahaan ilaalinta goobaha la qorsheyanayo in ay dad waynaha ka codeeyaan.
Guddiga Doorashooyinka ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeelanayay qeybaha kala duwan ee bulshada sida Culimada, Haweenka.
Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa hore u sheegtay in dalka ay ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah, isla markaasna aan dib loogu laaban doonin doorashadii dadbaneyd.