Golaha Ammaanka oo fadhi gaar ah ka leh u codeynta qaraarka howlgalka AUSSOM.

0
13

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta fadhi gaar ah ka yeelanaya qaraarka qabyada ah ee lagu ansixinayo howlgalka cusub ee Soomaaliya loona soo gaabiyo AUSSOM kaas oo baddelaya kan maalmaha kooban u harsan yahay ee ATMIS.

Soomaaliya iyo waddamada ku yaboohay Ciidanka Afrikaanka ah ee sanadaha badan Dalka jooga ayaa goobjoog ka noqonaya Qaraarka Dowladda Ingiriiska ay gadaal ka riixeyso ee ah in la diyaariyo ciidamada howlgali lahaa waqtiga kooban ee kala guurka ah.

Howlgalka AUSSOM ayaa la gaarsiin doonnaa 12,626 Askari oo ay ku jiraan 1,040 Booliis ah kuwaas oo qudhooda si tartiib ah loo bixin doonno Mustaqbalka dhow, waxaa la dhageysan doonnaa soo jeedinta Dalalka ciidankooda usoo diray Soomaaliya.

Qaraarka Tirsigiisu yahay 2719 ayaa qeexaya in 75% dhaqaalaha ku baxaya howlgalka AUSSOM laga dhigo mid isku dhafan , waxaa bixinaya Qaramada Midoobay iyada oo loosoo marinayo Ururka Midowga Afrika sida qorshaha uu yahay.

Waxaa jira Dowlado badan oo kamid ah kuwa doonaya in ay iska dhex arkaan liiska howlgalka AUSSOM kuwaas oo codsigooda gudbistay, haddii Dalalkaas la aqbalo waxa uu dhowr iyo toban sano kaddib howlgalkaan noqonayaa mid dhiig cusub kusoo biiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here