Burundi oo ka fiirsaneysa inay ka baxdo AUSSOM.

0
9

Dowladda Burundi ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay ka baxdo howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya ee dhawaan la aas aasay, kadib markii la isku fahmi waayay qeybsiga ciidamada.

Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in Bujumbura laga codsaday inay ku biirto 1,000 askari oo dheeri ah howlgalka. Hase yeeshee, Burundi waxay dalbatay in loo qoondeeyo 2,000 oo askari. Muran dheer ka dib, Burundi waxay go’aansatay inay ka baxdo howlgalka AUSSOM.

Sarkaal aan la magacaabin ayaa shaaca ka qaaday in ka bixitaanka Burundi ay ku xiran tahay diidmada soo jeedinteeda, taasoo caqabad weyn ku ah soo saarista howlgalka.

Burundi hadda waxaa Soomaaliya ka jooga in ka badan 5,000 oo askari kuwaas oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika. Sanadkii 2017, Bujumbura ayaa horay ugu fikirtay inay ciidamadeeda kala baxdo sababo la xiriira hakinta taageerada dhaqaale ee Midowga Afrika.

Sida ku cad qaab dhismeedka AUSSOM, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa la siiyay awoodda ay ku ansixin karto ama u diidi karto dowladaha xubnaha ka ah inay ka qaybqaataan howlgalka. Haddii si rasmi ah loo xaqiijiyo bixitaanka ciidamada Burundi, waxaa la filayaa in dowladda Soomaaliya ay war rasmi ah ka soo saarto arrintan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here