Duqeyn ka dhacday Sh/Hoose oo lagu dilay saraakiil Soomaali iyo ajaaniib.

0
2

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacday gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo lala beegsaday saraakiil sar sare iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta oo si gaar ah uga dhacday meel u dhow Sabalaale, gaar ahaan aagga deegaanka Haawaay ayaa lagu garaacay goob ay ku shirsanaayeen saraakiil sar sare iyo maleeshiyaad kooxda ka tirsan, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Xubnaha la dilay oo gaaraya ku dhowaad 10 ayaa isugu jiro Soomaali iyo Ajaaaniib, waxaana kamid ah:-

1-Maxamad Maxamuud Saalax Abuu Najiib, 2-Huseen Maxamad Qaasim Abuu Faadil, 3-Maxamad Badhiir Abuu Yaxya, 4- ⁠Abuu Rashiid oo ka soo jeeda dalka Maroco, 5- ⁠Abuu Basiira oo isna ka soo jeeda dalka Yemen, 6-Kamaal Maxamad Cilmi oo ah ninka xukumayay saraakiisha oo dhan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xunahan ay diyaarinayeen weeraro ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho, kadibna la helay xogtooda oo sidaasi lagu duqeeyay.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inay hurinayeen dagaal beeleedyada dalka ka socda, iyaga tashkiilinaya maleeshiyaadka hubka isku haysta ee ku dagaalamaya meelo kala duwan oo kamid ah dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here