Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa ka wada hadlay xaaladda Geeska Afrika mar uu Sabtidii khadka taleefoonka kula hadlay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, sida ay sheegtay madaxtooyada Masar.
El-Sisi ayaa hoosta ka xarriiqay xiriirka hoose ee ka dhexeeya amniga Geeska Afrika iyo amniga qaranka Masar. Wuxuu carabka ku dhuftay sida ay Masar uga go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto xasiloonida iyadoo loo marayo iskaashi laba geesood ah, isagoo tixraacaya heshiiskii difaaca ee lagu saxiixay Qaahira bishii August.
Sidoo kale, Hoggaamiyaha Masar ayaa ka hadlay heshiis uu dhawaan dhex-dhexaadiyay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, kaasoo dhex-maray Itoobiya iyo Soomaaliya, isagoo rajo ka muujiyay inuu ka qayb-qaadan doono ammaanka gobolka iyo xasilloonida si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.
Macron, oo dhawaan booqday Itoobiya, ayaa taageeray hindisayaasha Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ee ku aaddan sugidda marinka badda ee dalalka deriska ah, isagoo xoogga saaray wada-hadallada iyo u hoggaansanaanta shuruucda caalamiga ah.
Masar ayaa qorsheyneysa in ku dhawaad 10,000 oo askari ay u soo daabusho Soomaaliya laga bilaabo Janaayo 2025, iyagoo hoos imaanaya howlgalka cusub ee Midowga Afrika, si ay u bedelaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobollada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabelle.
Itoobiya ayaa walaac ka muujisay faragelinta milateri ee Masar ay ku leedahay Soomaaliya, iyadoo xiisad ka dhalatay muranka webiga Niil ay horay u jirtay. Itoobiya ayaa tilmaantay in aysan ciidamadeeda kala bixi doonin dalkeeda, taas oo laga yaabo in ay gogol xaar u noqoto dagaal ay la gasho Masar.