Dowladda Mareykanka oo ka hadashay sababta aysan ugu codayn howlgalka AUSSOM.

0
8

Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horraysay ka hadashay sababta ay uga gaabsatay inay u coddeyso qaraarka lagu meel marinayay Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Warsaxaafadeed lagu faafiyay bogga rasmiga ah ee howlgalka Maraykanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Mareykanku go’aansaday inuu ka fiirsado taageerada qaraarka sababo la xiriira shuruudo aan weli laga fulin Soomaaliya si loo meel mariyo qaraarka 2719.

Waxaa kale oo uu Maraykanku walaac ka muujiyay hababka cusub ee taageerada dhaqaale ee howlgalkan.

“Si kastaba ha ahaatee, uma codayn karno qaraar adeegsanaya qaab cusub iyadoon si buuxda loo tixgelin ujeeddooyinka ku aaddan miisaaniyadda la isku daray, sida ku cad Qaraarka 2719. Waa in la hubiyaa in habraacyada ugu wanaagsan ee nabad ilaalinta ,” ayaa lagu yiri bayaanka Mareykanka.

Mareykanku wuxuu walaac ka muujiyay in hababka la qaatay ay khatar gelin karaan kalsoonida lagu qabo qaabkan cusub ee muddada fog. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay taageeridda iyo xoojinta dadaallada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta.

Waxaa kale oo warsaxaafadeedka lagu xusay in Mareykanku sanad walba Soomaaliya uu ku bixiyo in ka badan 1.2 bilyan oo doollar, isaga oo ah deeq bixiyaha ugu weyn ee taageerada dhaqaale ku bixiya nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee caalamka.

Gabagabadii, Dowladda Mareykanka ayaa ku adkeysatay taageeradeeda hagar la’aanta ah ee ay siinayso Soomaaliya iyo iskaashiga ay la leedahay Midowga Afrika, iyada oo ujeedadu tahay in la xoojiyo dadaallada nabadda iyo xasilloonida guud ahaan qaaradda Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here