Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Oo Booqday Ciidamada Ku Sugan Jiida Hore.

0
11

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa maanta booqday ciidamada ku sugan degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud, si uu u qiimeeyo sida ay ugu diyaar garoobeen dagaalka ay kula jiraan maleeshiyada Al-Shabaab.

Gen. Odowaa ayaa askarta iyo dagaalyahannada deegaanka ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jiraan ilaalinta qarankooda, isagoo ku tilmaamay howlgalkooda mid muhiim u ah amniga qaranka.

“Nabadgelyada iyo amniga dalkeena hooyo aad u hurtaan waa mid ammaan mudan,” ayuu yiri, isagoo ku boorriyay inay xoojiyaan howlgallada lagu xoreynayo goobaha ay weli ku sugan yihiin argagixisadu.

Kormeerka guud ee uu ku marayo jiidaha hore ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah booqashooyin kale, iyadoo Xarardheere ay tahay joogsiga xiga. Socdaalkiisa ayaa muujinaya sida ay dowladda uga go’an tahay sare u qaadista taageerada iyo joogitaanka ciidamada ee goobaha dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Booqashadan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo ay sii xoogeysanayaan howlgallada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee lagu doonayo in lagu wiiqo Al-Shabaab, isla markaana dib loogu soo celiyo xasiloonida dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here