Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo 14 ruux oo lagu eedeeyay in ay dileen lix askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, kadib weerar aargoosi ah oo ka dhacay degmada Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Kooxda baarista ee maxkamadda oo ka kooban shan garsoore oo milateri ah, ayaa booqday Ceel-Baraf si ay u baaraan kiiska. Baaritaanka ay sameeyeen ayaa lagu ogaaday in askartan ay ku maqnaayeen fasax rasmi ah, islamarkaana ay ku sii jeedeen qoysaskooda, markii ciidamada maleeshiyada ay weerar gaadmo ah ku qaadeen. Kooxda weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen hubkii ay wateen askarta dilka kadib.
Dhibanayaasha waxaa lagu kala magacaabaa Cabdikaafi Cali Cabdulle, Bile Xasan Cabdulle Sabriye, Cabdi Cabdullaahi Aadan, Farhaan Xasan Cali Cadow, Abshir Xuseen Jimcaale, iyo Muxiyidiin Cabdulle Wehliye.
Garsoorayaasha ayaa ugu baaqay ciidamada booliska dowladda federaalka iyo kuwa Hirshabeelle in ay gacanta ku soo dhigaan 14-ka eedeysane ee baxsadka ah oo ay ku jiraan haween, kuwaasi oo la rumeysan yahay in ay ku dhuumaaleysanayaan miyiga gobolka Shabeellaha Dhexe.