Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xalay kulan talawadaag ah la qaatay qaar kamid ah haweeynka Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda, si uu uga dhageesto talooyinkooda ku aadan horumarinta Magaalada.
Kulankan oo ka dhacay aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa guddoomiye Amiir waxa uu mid mid u dhageystay haweenkii uu kulanka la qaatay iyaga oo ka hadlay dardargalina horumarinta Caasimadda gaar ahaan Sugida Amniga, Nadaafada, Caafimaadka, Waxbarashada, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, Shaqa abuurka, Doorka haweenka ee qeybgalka hogaanka, Hirgalinta Doorashooyinka, la dagaalanka Maandooriyaha iyo ilaalinta bilicda.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa tilmaamay in haweenka Soomaaliyeed ay tiir adag u yihiin dowladnimada, Nabada iyo horumarinta bulshada, isaga oo intaa kadib sheegay in talooyinka ay soo jeediyeen haweenka uu ku biirin doono qorshaha siyaasadiisa Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.