Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo 24 saac gudahood ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS & Wasiiru Dowlaha Wasaaraddaas

0
5

Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya waxaa ka socda kulamo kala duwan iyada oo muddo 24 saac gudahood ay ku booqdeen Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga XFS Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiiru Dowladaha Wasaaraddaas Cali Cumar (Cali Balcad).

Qoraal ay soosaartay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa lagu xaqiijiyay socdaalka saacadaha u dhaxeeya ee Wasiir Axmed Fiqi iyo Wasiiru Dowle Cali Balcad oo hal wasaarad kawada tirsan ay ku tageen isla markaana kulamo isku qaab ah ula qaateen Danjiraha Dalkaas.

“Waxaan aad ugu faraxsannahay inaan Safaaradda ku martigelino, Mudane Axmed Macallin Fiqi Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS” ayaa lagu yiri qoraalka ay soosaartay Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.

Maanta waxaa tagay Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Cali Balcad, waxa ay Safaaradda Turkiga ay ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay Barteeda X (Twitter) in ay kawada hadleen xoojinta xiriirka labada & fursadaha iskaashiga ku saabsan xubinnimada Soomaaliya ee Golaha ammaanka Qaramada Midoobay 2025-2026.

“Fursaddan awgeed, waxaan mar kale ugu hambalyeynaynaa Soomaaliya, oo ah dal aan saaxiib iyo walaal nahay, guusha ay ku gaartay xubinnimada ku meel gaarka ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.” ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Dad badan ayaa su’aal geliyay sababta keentay in Axmed Fiqi iyo Cali Balcad ay iska daba tagaan hal goob iyada oo mid kamid ah mas’uuliyiintaas booqashadiisa ku filan tahay, sidaan oo kale waxa ay Bishii Deseembar 2024 u wada tageen madashii Ankara ay kuwada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud & Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here