Faafaahino dheeraad ah aayaa kasoo baxaya weerar kooxo hubeysan oo watay gaari Cabdi Bile ah ay xalay ka gaysteen deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe kaas oo lagu beegsaday dad shacab ah.
Kooxda ayaa lasoo wariyay inay beegsatay dad beeraley ah kadib markii ay ku fureen rasaas sababtay dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay hal qof halka ay ku dhaawacmeen saddex kale sida ay warbaahinta sheegeen dadka deegaanka.
Sidoo kale kooxda weerarka qaaday ayaa dab qabad siiyay gaadiid Cagaf ah oo ay lahaayeen dadka shacabka ee la beegsaday xalay.
Wararka qaar ayaa intaasi kusii daraya in dhacdadan ay daba socoto askartii dhawaan lagu dilay deegaanka Ceel Baraf ee mar dambe lagu aasay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka HirShabelle oo ku aadan dhacdadaasi. xalay