Soomaaliya iyo Itoobiya oo xoojiyay in xasiloonida gobolka ay saldhig u tahay in labada dal ay yeeshaan iskaashi xooggan{sawirro}

0
1
Soomaaliya iyo Itoobiya oo xoojiyay in xasiloonida gobolka ay saldhig u tahay in labada dal ay yeeshaan iskaashi xooggan{sawirro}
Soomaaliya iyo Itoobiya oo xoojiyay in xasiloonida gobolka ay saldhig u tahay in labada dal ay yeeshaan iskaashi xooggan{sawirro}

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda federaalka Itoobiya.
Addis Ababa, January 11, 2025: Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa si diiran u soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ugu yimid dalka Itoobiya.
Labada mas’uul ayaa si weyn uga wada hadlay danaha labada dal iyo guud ahaan sidii la isaga kaashan lahaa xaaladda gobolka iyo xoojinta xiriirka labada shacab iyo labada dal.

Madaxdu waxay isla garteen in dib loo soo celiyo, lana hagaajiyo xiriirka ka dhexeeya, dib u furista wakiillada dubplan ee labada caasimadood, waxayna madaxdu carabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in wax laga qabto arrimaha gobolka, si dhowna looga wada shaqeeyo danta guud.
Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xoojiyay in xasiloonida gobolka ay saldhig u tahay in labada dal ay yeeshaan iskaashi xooggan oo ku dhisan kalsooni iyo ixtiraam, iyadoo labada mas’uul ay isla garteen in la wanaajiyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka gobolka iyo isfahamka guud.
Wadahadalladan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo sii wadi lahaa iskaashiga dhanka amniga ee labada dowladood. Iyagoo ka duulaya halista kooxaha argagixisada ah ee gobolka, labada hogaamiye waxay ku amreen hay’adaha amniga inay kordhiyaan wada shaqayntooda si loo horumariyo xasiloonida guud ee gobolka.
Dhinaca kale, madaxda labada dal ayaa xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, iyagoo ku heshiiyey in la ballaariyo kaabayaasha dhaqaalaha oo sahlaya natiijada ganacsiga iyo guud ahaan dhaqaalaha labada dal.
Ugu dambeyn, madaxdu waxay xoojiyeen sidii ay uga go’an tahay hirgelinta heshiiskii Ankara, iyadoo loo marayo jawi saaxiibtinimo iyo jawi wanaagsan, iyo talo-siinta guddiga farsamada si loo fuliyo heshiiska.

May be an image of 8 people

May be an image of 6 people

May be an image of 2 people

May be an image of 2 people and text

May be an image of 6 people and dais

May be an image of 6 people

May be an image of 8 people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here