Soomaaliya iyo Masar oo ballan qaaday xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga gobolka.

0
1
Soomaaliya iyo Masar oo ballan qaaday xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga gobolka.
Soomaaliya iyo Masar oo ballan qaaday xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga gobolka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay Dr. Badar Abdel Atty, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xasilloonida gobolka iyo xoojinta iskaashiga qotoda dheer ee labada dal.

Kulanka oo ka dhacay Qaahira ayaa diiradda lagu saaray dardar gelinta howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo taageeridda dadaallada ay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA) ugu jiraan la dagaalanka argagixisada. Labada wasiir ayaa bogaadiyay booqashada wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya uu ku joogo Masar, iyagoo tilmaamay inay tahay tallaabo wanaagsan oo loo qaaday wadashaqeyn xooggan.

Dr. Abdel Atty ayaa mar kale xaqiijiyay in Masar ay si hagar la’aan ah u taageereyso midnimada, madaxbanaanida, iyo xasiloonida Soomaaliya. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah, wuxuuna ballan-qaaday in la sii wadi doono kaalmada farsamo ee lagu xoojinayo dadaallada horumarineed ee Soomaaliya iyo kuwa amniga.

Labada wasiir ayaa isku afgartay in kor loo qaado wadashaqeynta iyada oo loo marayo guddiga wadajirka ah ee wasiirrada iyo in la dhaqan geliyo qodobbadii muhiimka ahaa ee ka soo baxay shirkii Masar iyo Soomaaliya iyo Ereteriya ee 2024-ka. Qorshayaashan ayaa ujeedadoodu tahay in la horumariyo amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas, wax ka qabashada caqabadaha la wadaago iyo kobcinta isdhexgalka gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here