Wakiilka Midowga Afrika oo Soo Dhaweeyay War Murtiyeedka Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

0
1
Wakiilka Midowga Afrika oo Soo Dhaweeyay War Murtiyeedka Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
Wakiilka Midowga Afrika oo Soo Dhaweeyay War Murtiyeedka Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Danjire Maxamed El-Amine Souef, ayaa muujiyay sida uu u taageersan yahay War-murtiyeedka wadajirka ah ee la soo saaray Jannaayo. 11, 2025, Addis Ababa.

War-murtiyeedka ayaa daba socday wadahadallo heerkiisu sareeyo oo dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali, iyadoo labada mas’uul ay mar kale xaqiijiyeen inay ka go’an tahay baaqii Ankara. Heshiiska ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed, kor u qaadista iskaashiga amniga, horumarinta isdhexgalka dhaqaale ee labada dal ee deriska ah.

Danjire Souef ayaa ku tilmaamay heshiiska inuu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu kobcinayo xasilloonida gobolka iyo barwaaqada la wadaago. Wuxuu ku ammaanay hoggaanka labada dal sida ay ugu heelan yihiin horumarinta nabadda iyo amniga Geeska Afrika.

“War-murtiyeedkan wadajirka ah wuxuu u taagan yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo mabaadi’da Baaqa Ankara. Diirada cusboonaysiinta ee dibloomaasiyadda, iskaashiga amniga, iyo iskaashiga dhaqaalaha waxa ay si weyn gacan uga geysan doontaa xasilloonida gobolka iyo rabitaanka Afrika oo nabad iyo barwaaqo ah,”
Wakiilka Midowga Afrika ayaa ku celiyay sida ay uga go’an tahay AUSSOM inay taageerto dadaallada xasilinta Soomaaliya iyo iskaashiga gobolka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dadaalladani ay la socdaan rabitaanka dadka Soomaaliyeed iyo aragtida ballaaran ee Midowga Afrika ee ku aaddan qaarad nabad ah oo midaysan.

War-murtiyeedka wadajirka ah ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay is-ixtiraamka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo muujinaysa isbeddel ku yimi xiriirkooda laba geesoodka ah kadib xurguftii hore. Iskaashiga dib loo cusbooneysiiyay ayaa la filayaa in uu wax ka qabto caqabadaha la wadaago, oo ay ku jiraan khataraha amniga xuduudaha iyo horumarinta dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here