Ciidanka howlgalka ciribtirka argagixisda Puntland oo soo riday 9 diyaaradood oo Drones ah

0
2

Ciidanka howlgalka ciribtirka argagixisada Puntland ayaa saakay wada howlgal balaaran oo ka dhan ah kooxda Daacish ee wali ku dhuumaneysa qeybo kamid ah buuraha gobolka Bari, waxa ayna ciidamada isku dayayaan in ay gabi ahaan ka saraan Puntland.

Sidoo kale, ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay jihooyin kala duwan oo kamid ah buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari kawada howlgal ka dhan ah Daacish, waxa ayna ciidamada ku raad joogaan dagaallamayaal firxad ah.

Saraakiisha ciidanka ee howlgalka wada ayaa sheegay in howlglka saakay socda uu daba socdo kii shalay ka dhacay buuraha Calmiskaas, waxa ayna ciidamada godadka ka baadigoobayaan dagaalyahannda Daacish oo isugu jira ajaaniib iyo Soomaali.

Dhanka kale, ciidanka hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland, ayaa lasoo sheegayaa in ciidamadu soo rideen 9 diyaaradood oo drones-ka xambaara qaraxyada, kuwaasi oo kooxaha Daacish ku soo weerareen ciidamada difaaca Puntland.

“Ciidanku waxay soo rideen 9- drone oo argagixisada Daacish isku dayday in ay isticmaasho, god talis weyn oo argagixsadu gashay, ayaa hada Ciidanku duqeynayaan.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay howlglka ciribtirka argagacisada.

Sikastaba, Ciidamada Puntland ayaa howlglka ay wadaan buuraha gobolka Bari ku doonaya in gabi ahaan kusoo afjarana jiritaanka dagaallamayaasha hubeysan ee Daacish, waxa ayna ciidamada shalay dileen xubno badan oo katirsanaa kooxdaasi oo isugu jiray ajaaniib iyo Soomaali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here