Xildhibaanada Jubaland Oo Dowladda Federaalka Soomaaliya Ku Eedeeyay Inay Siyaasadeyneyso Gargaarka.

0
2
Xildhibaanada Jubaland Oo Dowladda Federaalka Soomaaliya Ku Eedeeyay Inay Siyaasadeyneyso Gargaarka.
Xildhibaanada Jubaland Oo Dowladda Federaalka Soomaaliya Ku Eedeeyay Inay Siyaasadeyneyso Gargaarka.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Jubaland ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya in ay siyaasadeysay gargaarka iyo adeegyada muhiimka ah ee loogu talagalay dowlad goboleedka ay ka taliyaan. Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen maanta oo Arbaca ah ayay ku sheegeen in dowladda federaalka ay caqabad ku tahay gar-gaarka bini’aadantinimo, duulimaadyada rayidka, iyo mashaariicda horumarineed ee Jubaland, si looga faa’ideysto siyaasadda.

Xildhibaanada ayaa walaac ka muujiyay in falalka noocaan oo kale ah ay sii xumeeyaan khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Jubaland oo ah maamul goboleedka Koofurta Soomaaliya. “Go’aamadan ku saleysan siyaasadda waxay wiiqayaan wanaagga dadkeena waxayna carqaladeynayaan dadaallada horumarineed ee gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxa ay sidoo kale ugu baaqeen beesha caalamka iyo daneeyayaasha ugu muhiimsan ee ku sugan gudaha Soomaaliya in ay soo farageliyaan oo ay qaadaan tillaabooyin looga hortagayo in siyaasaddu ay sii xumaato. “Waxaan ku boorineynaa in si degdeg ah wax looga qabto si loo hubiyo in gargaarka iyo mashaariicda horumarineed loo qaybiyo si siman oo ka fog wax is-daba-marin siyaasadeed,” ayay raaciyeen.

Eedeyntan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordhayaan khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka Jubbaland , iyadoo la isku mari la’yahay qeybsiga kheyraadka, isku xirka amniga iyo dib u habeynta siyaasadda ee khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyadoo labada dhinac ee Jubbaland iyo Puntland ay akhriyeen qoraal ka duwan kan dowladda federaalka. Jubaland ayaa si gaar ah u dhaleeceysay sida ay Muqdisho uga shaqeyso gargaarka iyo horumarka, iyadoo ku andacooneysa eex iyo dayaca ka jira gobolkeeda.

Dowladda federaalka ayaan weli ka jawaabin eedeynta xildhibaanada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here