Ciidamada Nabad Suggida Somaliya oo hawlgalo ballaaran ka bilaabay Magaalada Muqdisho.

0
1
Ciidamada Nabad Suggida Somaliya oo hawlgalo ballaaran ka bilaabay Magaalada Muqdisho.
Ciidamada Nabad Suggida Somaliya oo hawlgalo ballaaran ka bilaabay Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Nabad Suggida Somaliya ayaa xalay hawlgal deg deg ah ka sameeyay deegaanka Daarusalaam ee Gobolka Banaadir, iyagoo ka jawaabaya weerarkii Shabaab ay ku qaadeen.

Weerarkan oo dhacay habeen ka hor, ayaa waxaa si deg deg ah tallaabo uga qaaday laamaha kala duwan ee ammaanka sida Booliska, Nabad Suggida, iyo Ciidanka Xasilinta Caasimadda.

Howlgalka ayaa lagu arkayay ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta oo isku fidiyay xaafadaha Daarusalaam, iyagoo sameeyay howlgalo qorsheysan. Waxaa diirada lagu saaray guryo gaar ah, taasoo keentay in dhalinyaro badan la xiro, lagana qabsado waxyaabaha sharci darrada ah.

Dhalinyarada la xiray ayaa waxaa la isugu geeyay hal goob, waxaana halkaasi kula hadlay Saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada Nabad Suggida Somaliya.

Taliye ku xigeenka qeybta Bari, Gaashaanle Dhexe Macallin Faarax oo howlgalkaasi hoggaaminayay ayaa ku nuux nuuxsaday in ujeedka uu yahay sidii loo sugi lahaa ammaanka deegaanka, loogana hortagi lahaa weeraro kale oo Al-Shabaab, falal dambiyeedyada iyo ka ganacsiga maandooriyaha.

Gaashaanle Dhexe Macalin Faarax ayaa ku booriyay dadka deegaanka in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si kor loogu qaado ammaanka loogana hortago khataraha.

Wuxuu ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay iskaashiga bulshada, isagoo yiri “Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaad tihiin dad waxgarad iyo aqoon leh. Waa wax laga xumaado inaad maalin kasta aaggaaga ku aragto dad aan waxba galabsan, oo qaarkiin xitaa markhaati ka yihiin falalkan. Qaar ka mid ah guryaha la baaray ayaa laga helay xashiishad.”

Howlgalkan ayaa daba socday qaraxyo dhowr ah oo lala beegsaday goobo ganacsi oo ku yaalla deegaanka Daarusalaam, kuwaasoo ay bar bar socdeen rasaas. Laamaha ammaanka ayaa qaraxyadan ku tilmaamay weeraro ula kac ah, waxayna wacad ku mareen inay sii wadayaan dadaalada lagu xaqiijinayo ammaanka iyo xasiloonida Gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here