Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo u jawaabay Sheekh SHARIIF.

0
2
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo u jawaabay Sheekh SHARIIF.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo u jawaabay Sheekh SHARIIF.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si adag ugu jawaabay madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kadib markii uu ka horyimid qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku aadan hub ka dhigista siyaasiyiinta mucaaradka

Sheekh Shariif oo ka hadlay arrinta hub ka dhigista mucaaradka ayaa sheegay in madaxda qaranka ay qudhooda magaalada ku dhex wataan Dhashiikayaal iyo weliba AMISOM, taasi oo aan suurtagelineyn in mucaaradka gaar loo beegsado.

Sidoo kale wuxuu cadeeyey in doorasho qof iyo cod ah aysan diidaneyn, balse ay doonayaan in la qabto doorasho la iska ogolyahay oo heshiis lagu yahay.

“Haddii qof iyo cod la’aadayo sabab aan ku diideyno ma jirto, laakiin Muqdisho waxaa joogta 3 Milyan oo qof, intaas kaliya xitaa uma diiwaan gashana guddiga been-beenta ah ee xukuumaddu sameysatay,” ayuu yiri Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Intaasi kadib Fiqi oo soo hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Muqdisho ay amni buuxa tahay, sidoo kalena lala dagaalamay kooxaha Khawaarijta, isaga oo dhinaca kale waxa lala yaabo ku tilmaamay hadallada diidmada ah ee kasoo yeeraya hoggaayeyaasha mucaaradka.

“Caasimadda Muqdisho iyo umadda ku dhaqanba waxay dareemayaan nabadgalyo iyo dibudhis ballaaran, waxaana sabab u ah Khawaarijta oo lala dagaalamay iyo hubkii sharcidarrada ahaa oo la xakameeyey! La yaab weyn ayay nooqnaysaa haddii siyaasiyiintii qaarkood ay afkii hogaamiye kooxeedyada oo kale ku hadlaan ayagoo sii raba in hubka sharcidarrada ah ee umadda lagu dhibaateeyo inuu sidiisii sii ahaado, qiilna u raadinaya arrintaas” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale intaasi ku daray in aan la aqbali doonin in Muqdisho lagu sii dhex haysto hub sharci darro ah, isla markaana ay dowladdu aruurin doonto.

“Doorasho iyo dastuur ayaan ku ogeyn maalmahaanka hadalkooda, haddana ma hubkii sharcidarrada ahaabaa! Tani mid soconaysa ma ahan oo dawladda iyo dadkuba ay yeelayaan.! Waa Laga nastey hubkii, dadku horumar iyo dawladnimo ayay rabaan” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli dowladda dhexe iyo xubnaha mucaaradka ay isku khilaafsan yihiin hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka oo dood xoogan ay ka taagan tahay, maadaama Villa Somalia rabto qof & cod dhinacyada kalena ay diidan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here