Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah cabasho uga gudbisay Kenya oo ay ku tilmaantay xad gudub aan la ogolayn oo hawadeeda lagu soo xad-gudbay taasoo ku saabsan in Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) uu ku wajahan yahay magaalada Nairobi diyaarad laga leeyahay dalka Kenya sida ay Mustaqbal fahansan tahay .
Warqad aan weli si rasmi ah loo shaacin, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Sabtidii u yeertay Safiirka Kenya ee Soomaaliya Cyprian Kubai Iringo, si uu u gaarsiiyo warqad cabasho rasmi ah oo ku saabsan dhacdada Warqadan ayaa lagu eedeeyaa diyaaradaha Kenya inay damiyeen Raadaarkooda xilli ay Madaxweyne Madoobe ka soo qaadayeen magaalada Kismaayo kuna sii jeeday magaalada Nairobi falkaasi oo loo arko mid xadgudub ku ah Qaranimada Soomaaliya.
Warqadda ayaa sidoo kale lagu dalbaday in sharaxaad laga bixiyo waxa ay dowladda Soomaaliya ku tilmaantay in Kenya ay u fududeysay “Shaqsi baxsad ah oo ay dooneyso dowladda Soomaaliya” inuu soo galo dhulkeeda Madaxweyne Madoobe ayaa khilaaf xooggan kala dhexeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya tan iyo markii uu dib loogu doortay hoggaanka Jubbaland bishii November 2024-kii codkaas oo Muqdisho diiday inay aqoonsato.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay xayiraad dhanka socdaalka ah ugu soo rogtay madaxweyne Madoobe addib markii ay isku dhaceen ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya oo isku heysta gacan ku heynta qeybo ka mid ah gobolka Duulimaadka Sabtida waxaa loo arkaa inay ka hortimid xayiraadahan.
Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa muddo labo maalmood ah u qabatay dowladda Kenya inay kaga jawaabto eedeymaha loo jeediyay Warqadan ayaa lagu soo waramayaa inay ku nuuxnuuxsatay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta madax-banaanideeda dhuleed, waxaana looga dalbaday Kenya inay caddeyso ku lug lahaanshaha dhacdadaas.
Duullimaadka tooska ah ee Madaxweyne Madoobe ku tagayo Nairobi ayaa kusoo beegmaya xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhexeysa Muqdisho iyo Jubaland, taasoo sii adkeynaysa dadaallada lagu xasilinayo gobolka Dadka wax indha indheeya ayaa ka cabsi qaba in khilaafkan diblumaasiyadeed ee u dambeeyay uu xumeeyo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, oo markii horeba uu ka taagnaa muran ku saabsan xuduudaha badda iyo arrimaha amniga xudduudaha isaga gudba.
Kenya ayaan weli jawaab rasmi ah ka bixin cabashada dowladda Soomaaliya.