Labo qof ayaa ku dhimatay qaar kalena way ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay duleedka magaaladda Hargeysa, ee xarunta maamulka Somaliland, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka iyo Saraakiisha Booliska Somaliland.
Gaariga nooca raaxada ah ee galay shilka khasaaraha dhimashada iyo dhawaca sababay ayaa la sheegay inuu kasoo ambaba-baxay Burco, islamarkaana uu kusii jeeday magaalada Hargaysa oo dad rakaab ah u wadey.
Inta badan deeganada Soomaliland waxaa ka dhaca shilalalka Gawaarida, kuwaasoo gaysta Khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana loo sababeeyaa wadooyinka oo burbursan iyo Darawalada oo si xowli ah ku kaxeeya Baabuurta.
Booliska Somaliland ayaa sheegay in Tirada shilalka baabuurta sanadkii tagey ay gaarayeen 7,18 shil, oo sababay dhimasho dhan 188 qof, iyadoo 4,454 ay ku dhaawacmeen, sidoo kalena 528 neef oo xoolo ah ay ku waxyeeloobay.
Boliisku waxay sheegeen in sababaha ugu badan ee keena shilalka gaadiidka Somaliland ay yihiin telifoonka mobile-ka oo dareewalladu isticmaalaan iyagoo gaadhigiina wada, xawliga loo wado gaadhiga iyo taxadar la’aan.
Dadka ayaa ku eedeeya booliiska traafikada inay debecsanyihiin iyo in ruqsadda wadista gaadiidka si fudud lagu helo, taasoo keenta in qof aan lahayn khibrad uu wado gaari.