Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Masar ayaa la filayaa inuu kulan gaar ah la yeesho dhigiisa dalkaasi.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona xoojinta dadaallada wadajirka ah ee ka dhanka ah AS iyo sidii loo dardargelin lahaa iskaashiga amniga iyo nabadgelyada guud ee gobolka.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Cabdulfataax Al-Siisi ayaa xoogga saari doona horumarinta dhaqaalaha, kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo labada dowladood ay mudnaan siinayaan kor u qaadidda fursadaha is-dhaafsiga ganacsiga iyo maalgashiga.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi martiqaadka diirran iyo sida ay dowladda Masar mar walba u garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo tilmaamay in xiriirka labada dal uu salka ku hayo walaaltinimo, iskaashi istiraatiiji ah, iyo danaha guud ee labada shacab.
Masar ayaa kamid ah dowladaha daneynaya in ay qeyb ka noqdaan howlgalka AUS